FAYSAL IYO HARGEYSA

FAYSAL IYO HARGEYSA

Juulaay 2004Faysal iyo Hargeysa

“Adeer gaadhiga ma kuu masaxaa” cod yar xaggayga dambe ka yidhi.  Dib ayaan jalleecay, mise waa inan yar oo 12 ilaa 13 aan da’diisa ku qiyaasay.  Gaadhigii aan watey ayaan mar kale eegay masse wax laga nadiifiyaa kuma yaalliin, hase ahaatee waan ka xishooday in aan inanka yar shaqo la’aan diro!  Inta aan yara dhoolla caddeeyey, ayaan ku idhi immisa ayaad adeer ku nadiifinaysaa?  Intaan hadalkaygii si fiican afkaygii uga soo dhammaan ayaa waxaa kii yaraa dhiniciisa kale ka soo booday mid kale oo ka yara turtur weyn—oo inta uu kii yara dhinac u kala tuuray yidhi “adeer anigu aan kuu masaxo;”  aniga oo aad uga xumaaday dulmiga kan yar lagu sameeyey, ayaan kii ku idhi waar waxba noo masaxi meyside meesha ka soco.   Ka dibna kii yaraa oo i huruufaya ayaa dhinac u dhaqaaqay.

Kii yaraa oo weli lacagtii madaxiisa ku wareegayso ayaa yidhi “adeer laba iyo badh ayaan kuugu masaxayaa.”  “Waa maxay labada iyo badhka uu sheegayaa, war mid iyo badh sii, waar nimanyohow kuwii yaryaraa way waasheen.”  Nin i garanayey oo meesha soo joogsaday ayaa yidhi intii aan kii yaraa weli ii jawaabin.  War yaa ilaahay yaqaan, aniga oo laba iyo badhkii jawaab u la’ ayaa nin kalena la yimid mid iyo badh!  Waxa ay ahayd maalintii labaad intii aan markaas magaalada Hargeysa joogay welina lama qabsan afka suuqa hoose ee ay waddaniyiintu isla fahmayeen.

“Adeer laba iyo badh waxa laga wadaa laba kun iyo shan boqol oo land ah” kii yaraa ayaa yidhi.   Kii yaraa oo markiiba fahmey in aan ahay qurba joogga luqad hoosaadka ka dayacan ayaa yidhi “adeer landku waa Somaliland shillin.”   Fariid, ayaan ku idhi, waad i fahantay in aan land-ka ku weydiin doono, ayaan idhi intaan yara dhoola caddeeyey.   Aakhiritaankii isku soo dhacnay oo waxa aanu ku heshiinay in uu laba land ah ku masaxo gaadhiga.

Adeer magacaa?  Intii aanan dhaqaaqin ayaan weydiiyey kii yaraa oo markiiba shaqadiisii bilaabay.  Xaggayga ma soo eegine isaga oo mid ka mid ah maryihii yaryaraa ee uu wax ku masaxayey hurgufaya ayuu yidhi “Faysal baa la iigu yeedhaa.”   Aniga oo la yaabay sida uu iigu jawaabay ayaa weydiiyey “Faysal ma la-guugu yeedhaa mise waa lagu yidhaahdaa?”  Inta uu yara dhoola caddeeyey ayuu yidhi Faysal waa la i yidhaahdaa.

Dhawr saacadood ka dib markii aan hawshaydii soo dhammaystay ayaan ku soo noqday Faysal iyo gaadhigii.  Farta ayuu markiiba iigu fiiqay sida uu taayirada u dhalaaliyey.  Ka dibna sidii ballantu ahayd ayaan Faysal lacagtiisii farta ka saaray.  Maalintaasna halkaas ayaanu isku maca-salaameynay.   Faysal inkasta oo aan da’diisa ku qiyaasay 12 ilaa 13 sano, haddana waxa aad mooddaa in uu da’diisa sanad iyo laba ka yar yahay oo uu yara hagaasay.  Faysal waxa uu u dhashay midab wanaagsan oo madow jinni leh ah, hase ahaatee waxa ka muuqata in ciidda iyo cadceedda uu maalin walba dhex taagan yahay ay midab dooriyeen.  Faysal waxa uu gashanaa maalintii ugu horeysay ee aan la kulmay funaanad kuwa dhaxanta ah oo akhdar ah, surwaal midab doorsoomay oo kaaki ah iyo laba dacas oo kala midab ah.  Faysal waxa kale oo aad uga muuqatey nafoqo darro, sida bushmihiisa oo aad u qalalay iyo timihiisa oo casuus yeeshay.

Subaxdii dambe ayaan ku soo laabtay meeshii Faysal iyo anigu hore ugu kulanay oo shaqo iiga socotay, Faysalna u ahayd saldhigga uu ka qadhaabto ama ka hawl galo.  Markii aan gaadhii soo joojiyeyba—mise waa ninkii Faysal oo i dhinac taagan.  Adeer ma masaxaa, ayuu hadal iigu horaysiiyey.  Intii aanan haa iyo maya midna odhan ayaan waxa aan go’aansaday in aan nolosha Faysal wax ka ogaado.  Adeer waad masaxi doontaayee horta su’aal ma ku weydiin karaa ayaan ku idhi.  Maxaad i weydiinaysaa—ayuu dib ii su’aalay.  Xaggee ayaad ku nooshahay ayaan ku idhi.  Dee magaaladan ayaan degganahay ayuu iigu jawaabay, isaga oo aad moodid in uu su’aashaydii yara qoonsaday.

Maadaama aan aad u xiisaynayey in aan wax ka ogaado nolosha Faysal waxa aan ka booday su’aashii uu qoonsaday waxaanan weydiiyey cidda uu la nool yahay.  “Dee hooyaday iyo walaalahay ayaan la noolahay,” ayuu iigu jawaabey isaga oo hoos eegaya, aadna moodid in uu su’aasha dhibsaday.   Isla markiiba waxa i galay dareen ah in aan su’aalaha shaqsiga ah ee noocaas ah aan hore loo weydiin Faysal, sidaas darteed waxa aan go’aan ku gaadhey in aan su’aalaha badan ka yareeyo Faysal oo aannu horta si fiican isu barano.    Faysal waxa aan ugu bushaareeyey in uu markasta oo aan xaruntiisa imaado uu gaadhiga masixihi doono.   Nadiifinta gaadhiga ka sokoow, Faysal waxa uu xil iska saaray ilaalinta gaadhiga, isaga il-gaara ku hayn jirey ciyaalka wax qaad-qaadka yaqaan.

Markii sheekadayadii googooska ahayd ee aniga iyo Faysal muddo socotay, waxa aan aakhirkii ogaaday in Faysal la nool yahay hooyadiis iyo afar caruur ah oo walaalihiis ah aadna da’doodu u yaryartay.  Waxa kale oo ii sheegay in ay deggan yihiin guri yar oo magaalada geeskeeda ku yaalla.  Faysal waxa kale oo uu ii sheegay in wixii (lacag) uu shaqeeyo hooyadiis u geeyo si uu walaalihiis u taageero.  Waxa kale oo aan Faysal ka ogaaday in Faysal aabihiis muddo Itoobiya ku maqnaa oo aanu soo noqon.  Faysal waxa kale oo aan weydiiyey in uu iskuul dhigto iyo in kale, wuxuuna iigu jawaabay hadda ma dhigto, laakiin waan jeclaan lahaa.

Faarax Maxamuud Maxamed

Share This Post

DeliciousDiggGoogleStumbleuponRedditTechnoratiYahooBloggerMyspaceRSS

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Contac us for Advertising here:

  1. Loading ...