Colaadda Ceel-Afweyn Maxaa u Sabab ah?
Colaadda Ceel-Afweyn Maxaa u Sabab ah?
Intii muddo ahba magaalada Ceel-Afweyn waxa ay ku soo caan baxday, dagaalka dad iyo duunyoba aafeeyey ee mudada afarta sanadood ah deegaankaas ka socday. Inkasta oo magaalada Ceel-Afweyn magaca colaaddu ku dhacay, dilka iyo dhibaatooyinku inta badan waa deegaano ka baxsan, sida Dogoble iyo Dararweyne oo kale.
Inkasta oo dadka reer Somaliland meeshay doonaanba ha joogaane, sababaha dagaalka keenay feker iyo aragti gaara ka qabaan, waxa aynu qormadan ku eegaynaa feker aan ku milmin labada reer ee colaadda xalka loo waayey ka dhex taagan tahay.
Ceel-Afweyn waxa ay ahayd magaalo nabad ku caan baxday. Labada reer ee maanta is xasuuqaya, waxa loo yaqaan “Habar-Lammaan.” Taas oo muujinaysa sida ay dhiig iyo dheefba isugu lammaanaayeen dadkana isaga xigeen. Magaalada keliya ma ahayn ee nolosha miyiguna sidaas ayey ahayd oo Baad iyo Biyoba loo wadaagi jirey. Haddaba, su’aasha dad badani isweydiiyaan ama jawaabta u la’yihiin waxa weeye, Maxaa “Habar Lammaan” Colaadda intaas le’eg ee aan jixin jixa lahayn dhex dhigay?.
Dagaalka Degaanka Ceel-Afweyn iyo degaano kale oo badanba, qayb waxa ka ah aafooyinkii lama filaanka ahaa ee ka dhashay burburkii maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Umaddu miyi iyo magaalaba waxa ay ahayd mid xoog lagu maamulo, waxana wiiqmay dhaqankii qabiiladu isku maamuli jireen, gaar ahaan kuwa miyiga deggan. Markii dawladdii awoodda lahayd burburtayna, waxa reer walba hoggaamiyey intii markaas dagaalada ku soo caan baxday. Waxaana halkaas ku sii lumay, intii yarayd ee dhaqanka soo jiraaga ah ee dadku isku maamulo ka sii hadhsanayd.
Waxa kale oo aafooyinkaas burburkii dawladda laga dhaxlay:
-
Is xakamyn la’aan bulshada dhexdeeda
-
Dhaqan xumo soo korodhay, sida Qaadka oo miyigii ku faafay;
-
Hubkii ciidamadu isticmaali jireen oo shacabkii gacanta u galay
-
Ceshiimaysi aan hore loo arag oo Baad iyo Biyoba saameeyey
-
Dhibaatooyinka abaaraha
-
Tahriibka dhalinyaro badan oo Reer Miyi ah
-
U hayaanka Magaalooyinka waaweyn, iyo banaynta xilkii waxgaradka
-
Saxaafad ka ceeshta hantaaqada nabadda iyo wada deganaashaha bulshada
Haddii aynu qodobka koowaad soo qaadano, waqtigii maamulkii Maxamed Siyaad Barre, waxa la soo rogey in qofkii qof dila isagana la dilo. Maanta taasi way adkaatay, oo inan yar ayaa inta uu qof madaxa ka toogto aan cidina, soo qabanayn.
Intii aan burburku dhicin aad bay u yaraayeen, dhalinyaro miyi joogta oo balwado leh, sida Qaadka, sigaarka iyo wixii la mid ah. Maanta way yar tahay in aad aragtid inan reer miyi ah oo aan balwad lahayn. Marka qofku balwado yeeshona waxa yaraada qiimihiisa iyo dulqaadkiisa. Waxana u sahlanaada in uu gacanta ka hadlo oo wax dilo.
Intii aanu hubku Afrika xoog u soo gelin, waxa lagu dagaalami jirey, seefo, waramo iyo midiyo, laakiin hubka (qoryaha) reer Galbeedku keenay, waxa ay fududeeyeen, xasuuqa degdegga ah. Maanta waxa aynu aragnaa in qabiilo badani haystaan hub loogu talo galay in ciidamo lagula dagaalamo, taasina waxa ay kordhisay ku bereanka hubka, si reer waliba reerka kale isaga caabiyo ama degaan uga riixdo.
Inkasta oo ceshiimadu iska jiri jirtay dhulka miyiga ah, haddana markii dawladdii hore burburtay ceshiimada iyo dhul-ballaadhsigu waxa ay noqdeen, kuwo xadkii dhaafay. Dhul-ballaadhsiga, waxa dheer ceelal laga wada cabi jirey oo la degaameeyey, ka dibna keenay utumo xalkoodii adkaaday. Waxana muuqata in colaadda Ceel-Afweyn in badan salka ku hayso kala ceshiimaysiga Baadka iyo Biyaha.
Dhalinyarada xoolaha iyo miyiga ku sugani, waxa ay ahaayeen dad akhlaaq badan, oo aan balwado lahayn. Markii in badan xoolihii ka dhammaadeenna waxa ay ku soo urureen tuulooyin gaajo iyo darxumo ka jirto. Haddaba, si ay xanuunka nolosha isugu ilowshiiyaan ayey in badani waxa ay bilaabeen balwado cusub sida qaadka, taas oo noloshoodii weji cusub u yeeshay, kana dhigtay noloshii adkayd “bambo in ay qaraxdo uun sugaysa.” Waxana in badan oo dhalinyaradaas ka mid ahi noqdeen, ciidan diyaar ah markii xasarad dagaal loo baahdoba.
Markii dawladdii hore burburtay, dadka intii awoodaysay dibadaha ayey u yaaceen. Waxa iyagu muddo dambe socdaalka Yurub ee dadka badankiisu u yaqaan “Tahriib,” bilaabay dad dhalinyaro u badan oo iyagu khatarta ku ladhan tahriibta iyo geerida, aan cabsiyi kaga jirin, is tusayna in nolosha ay ku sugnaayeen ay geeridu dhaanto. Dhalinyaradaas in badan oo ka mid ahi waxa ay ka tageen miyiga. Hase ahaatee, markii ay Yurub galeen ka dib, waxa ku habsaday shaqo la’aan. Niyad wanaaggii iyo barwaaqadii ay Yurub ku naaloonayeen, ee ay naftooda u halligeenna waxa ay noqotay tacab qasaar. Ka dibna hiyigooda iyo hamigoodiiba waxa uu dib ugu xidhmay, miyigii iyo dhulkii ay ka yimaadeen, waana dadka colaadda inta ugu badan huriya. Dhalinyarada ka sokoow, waxa Iyana jira rag waaweyn oo Qurbaha ku raagey, una badan kuwo nolosha ku khasaaray, oo inta ay baraha bulshada soo fadhiistaan, colaad iyo godob guubaabiya; kuwaas oo dadkii ay ka yimaadeen ee ay waxba u tari waayeen, u muujinaya in codkoodu raganimo dhalay. Maadaama ay ahaayeen rag laga quustay, colaadda Ceel-Afweyn waxa ay soo noolaysay nafahoodii kuwa dhintay tolku ku daray kuwii dhintay.
Dhibaatada kale ee gobolada dalka oo dhan haysata, waa dadkii magaca lahaa ama mas’uuliyada sheeganaayey, sida, cuqaasha, Suldaanada, Boqorada, xildhibaanadii gobolka laga doortay oo intoodii badnayd Hargeysa u guurtay. Xil banyantaasina waxa ay keentay in ay ka fogaadaan degaankii, dibna ugu soo noqdaan marka ay dhibaato xalkeedu adkaaday dhacdo; ka dibna inta ay heshiiyo gacan ku rimis ah inta ay macmalaan, noloshoodii qaboobayd ee Hargeysa dib ugu yaacaan. Xil dayaca, madaxdii degaanka keliya kuma koobna, waxa iyaduna maqan kaalintii dawladda oo aad moodid, in ay ku fashilantay xukun daadejin rasmi ah, gaar ahaan gobolada Bariga. Xukun daadejintu waxa ay yarayn lahayd xal u helid degdeg ah colaadaha soo noqnoqonaya gaar ahaan kuwa dhulka iyo daaqsinta la isku haysto.
Wakhtigii xukunkii Maxamed Siyaad Barre, Saxaafaddu waxa ay ahayd mid xakamaysan, waxa kaliya ee dadku maqli jireenna waxa ay ahayd saxaafadda dawladda. Markii dawladdii burburtay, waxa abuurmay saxaafad madax banaan oo inta badan ay dad dhalinyaro ahi hormood ka yihiin. Inkasta oo Saxaafadda iyo maamuladii Somaliland soo maray mar walba beratan ka dhexeeyey oo had iyo jeer qaar ka mid ah la xidhxidho; waxa ay inta badan saxaafaddu ku shaqaysaa saaxad codka xorta u badan. Arrintaasina waxa ay saxaafadda u fududaysay in ay markiiba waraysi kula yaacaan meeshii dhiilo ama nabad darro ka dhacdo, sida degaalka Ceel-Afweyn, iyaga oo inta badan waraysta dad hadalo xanaf leh ku hadlaaya amaba hawada isu marinaaya. Waraysiyada noocaasana waxa sabab u ah in xumaantii oo ilo dhaqaale noqotay.
Inkasta oo qodobadaas aynu kor ku xusnay badankoodu salka ku hayaan afooyinkii ka dhashay burburkii dawladdii hore, waxa iyaduna muhiim ah inaynaan ilaawin doorka doorashadii madaxweynaha Somaliland ee qabsoontay bishii Nofember 2017 ay ku leedahay dagaalka deegaanka Ceel-Afweyn. Colaadda Ceel-Afweyn, waxa ay noqotay wax laga weynaysiiyo degaanka; loona ekaysiiyo mid u dhexeeya qabiil weynaha labada raas ee utuntu dhex martay. Waxa looga ololeeyey miyi iyo magaalaba, waxana lagu ladhay qiiro iyo caadifad lagu kala fogaynaayo, reerihii walaalaha ahaa ee wada deganaa.
Haddii aynu dib u milicsano dagaalka Ceel-Afweyn waxa uu socday muddo afar sano ah. Waxa ku naf waayey in ku dhow 100 qof oo dhalinyaro u badan. Waxa ku dhaawacmay oo ku naafoobay in ka badan 300 oo qof. In badan oo dadkaas ka mid ahi eheladayda ayey ahaayeen. Waxa kale ku baaba’day duunyo badan. Waxa ay dadkii dhulkaas deganaa ka bixi waayeen, qax iyo cabsi ku noolaansho.
Xal u raadinta dagaaladaas wakhti badan iyo hanti xoog leh ayaa ku baxay. Haddaynu heshiiskii ugu dambeeyey ee bishii Agoos 2018 soo qaadanno waxa Ceel-Afweyn isugu tegay 66 xobnood, oo isugu jiray Culimaa’udiin, Guurti, Golaha Wakiilada, Madaxdhaqameed, xubno dawladda ka tirsan iyo dad aqoon iyo xilkasnimo lagu soo xulay. Dib u heshiiskaas oo uu shir Guddoomiye ka ahaa Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar, waxaa ka soo baxay dhowr go’aan oo ay ugu horeeyeen, sidii reerihii dagaalamay magihii dadkii dhintay iyo qoomihii dhaawac loo kala qaadan lahaa. Waxaan reerkasta laga dhaariyey tiro is leeg, iyaga oo dadkii dhaartay ballan qaadeen in ay nabadda ka shaqaynayaan. Markii odayaashii la dhaariyey heshiisyadiina laga saxeexay; haldoorkii nabadda Hargeysa uga soo kicitimay meeshoodii ayey ku noqdeen. Haddaba, su’aasha dad badani isweydiinaan waxa weeye, haddii intaas oo tacab ah Somaliland ku bixisay colaad deminta Ceel-Afweyn, maxaa weli colaadda hurinaya?
Colaadda Ceel-Afweyn waxa ay noqotay “Qiiro wadareed,” tolweynaha labadaas jiffo ka soo jeedaan wada taabatay. Waxa ay noqotay mid baraha bulshada laga abaabulo la isuguna gar naqsado. Waxa ay noqotay mid lagu raadiyo tabashada reeraha qaarkood xukuumadda uga maqan. Waxa ay noqotay “Hal-abuurka” beenta iyo borobagaadhada tolweynaha labada jiffo ka soo jeedaan isugu adeegsadaan. Taasina waxa ay meesha ka saartay caqligii wanaagsaa ee arrinta xaqa loogu soo dabaali lahaa.
Waxa kale oo lagama maar maan ah in ay dawladdu yaqiinsato, tamar darada ay iyadu xukunkeedii ku seetaysay iyo sida ay haykalkii dawladnio u wiiqday. Markii dhaartii culumadu shaqayn weyday, dawladdu waxa ay xal u aragtay, in ay u dhaqanto tabtii Ingriiska; ee ahayd in marka qabiiladu ay dagaalamaan, odayaashooda la soo xidhxidho, xoolahoodana inta la soo duubo xeryo lagu ooto. Taasi, waxa ay muujinaysaa, in dhibaato casriya, oo xal casri ah u baahan ay dawladdu rabto in ay ku xalliso, xirfadihii Ingiriiska ee 1950kii. Tusaale ahaan, haddii aynu u soo qaadano, ceshiimada ka sokoow, waxyaabaha dagaalka hurinaaya, waxa ugu weyn xidhiidhka tooska (sida wat-is-ab-ka) ah ee dhalinyarada qurbe jooga iyo dadka xoolo dhaqatada ah ee ay ka yimaadeen ka dhexeeya. Dhalinyaradaas qurbe joogga ahi, iyaga ayaa ugu badan dadka dagaal oogayaasha ah, waxana ay dhaqaale ku caawiyaan, reer miyiga dagaalamaya, iyaga oo kula talinaya in aanay dagaalka joojin, “ilaa inta reerkoodu ka guulaysanayo.” Sidaas darteed, waxa aad moodaa in dawladdu ka dambayso ama aanay la qabsan is bedelka wakhtiga.
Sidee lagu joojin karaa Colaadda?
Intii colaaddani socotay waxa aan isku deyey in aan la xidhiidho dad badan oo degmada Ceel Afweyn ka soo jeeda, oo labada qoysba ah; qaarkoodna aanu qaraabo dhow nahay. Waxa aan u soo jeediyey in aanu ka shaqayno sidii “dhulkeennii” nabad loogu soo dabaali lahaa. In kasta oo dadkan aan la hadlay Qurbe joog ahaayeen, waxaa nasiib darro, ii caddaatay, sida dadku isaga dhaadhiciyeen in mid walba reerkooda laga gar daran yahay oo dagaal “tolweyne” ugu tashaday uu jiro. Waxa aan isku deyey in aan u sheego in fekerka aan anigu qabo kaas ka duwan yahay, dadkuna ay rumaystaan beenaalayaasha baraha bulshada ka bu’a. Run ahaantii, way jiraan dhalinyaro soo dhoweeyey taladayda laakiin, aad moodid in ay ka baqayaan “tolweynahooda,” haddii ay nabad ka hadlan.
Marka aynu halkaas dareenka guud ee shacbiga ku dhaafno, nabadda Ceel-Afweyn labo qolo ayey saaran tahay. 1) Dadka reer Ceel-Afweyn u dhashay. Waayo, kii dhintaa iyaga ayuu ka dhimanayaa, kii dhaawacmaa iyaga ayuu ka dhaawacmayaa, marka isla maragsiga “tolweyne” meel kale deggani waxba u tari maayo, waa in ay isku tashadaan, nabadna dhexdooda ka raadiyaan. 2) Xilka labaad dawladda ayuu saaran yahay. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “milil korkiis lama dhayo,” dawladdu waa in ay ka weynaato nabadda gacan ku rimiska ah oo ay si dawladeed u dhaqantaa. Dawladdu waa in ay awood iyo aqoon labadaba isticmaashaa. Waa muhiim in dhulka baadka iyo biyaha la isku hayo, dawladdu xal waara u raadisaa. Waa in dawladdu xukun daadejin degdega samaysaa oo meelaha colaaddu ka soo noqnoqonayso ciidan xoog leh dejisaa. Waa inaanay dawladdu la bakhaylin kharashka ciidamadaas ku baxaya, waayo kharashka colaaddu keento ayaa ka badanaya, weliba haddii colaaddu Ceel-Afweyn dhaafto. Arrinta Ceel-Afweyn, Somaliland waxa ay ku tahay halbowle go’an oo dhiiggii habayo. Maamulka dawladdu waa in aanu sugin inta Somaliland dhiig baxayso.
Qoraha
Faarax Aw Maxamud Maxamed (Sheeko Xariir) waa qoraa deggan waddanka Maraykanka. Waxa uu ku dhashay degmada Ceel- Afweyn ee Gobolka Sanaag. Waxa uu qoraa sheekooyinka caruurta, kuwa gaagaaban (Short Stories), Sheekooyinka la Hal-abuuray (novels) iyo gabayo. Faarax qoraaladiisu waxa ay ku soo baxaan Afka- Soomaaliga iyo luqadda Ingriisida. Faarax waxa kale oo uu sameeyey Golis Publishing oo dadka ka caawisa kuna dhiiri gelisa sidii ay buug u qori lahaayeen, ka dibna u daabici lahaayen. Waxa aad qoraaga kala xidhiidhi kartaan shebakadda www.farahmohamud.com